Wednesday, June 25, 2025

Gen. Yuusuf Indha-cadde oo Runta u sheegay Beesha H/Gidir, uguna baaqay inay ka baxaan…

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa dadka degan xarumaha dowladda, siiba kuwa milateriga ugu baaqay inay ka baxaan xarumahaasi.

Yuusuf Indha-cadde ayaa sheegay in uu isagu madax u yahay guddi ka kooban 9 Sarkaal oo uu guddoomiye u yahay isaga, isla markaana dowladu u baahan tahay xarumaheedii, wuxuuna caddeeyay in xarun aan loo baahneyn aan laga kicin doonin dadka degan.

“Baadi kugu raagtay inaad leedahay ayaa la moodaa…, dadka qaarkood waxay arkeen xarumahaasi, iyagoo aan xero ciidan ahayn, laakiin Nin iyo baadidiisa aragti ayaa ka dhaxeysa..” ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde oo la hadlay Idaacada Shabeelle ee Muqdisho.

Wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay tabarteeda yar tahay, isla markaana hadba wixii ay u baahato ay dooneyso inay la wareeeto, wuxuuna meesha ka saaray warar laga faafiyay dadka laga kicinayo xeryaha milateriga oo Beesha H/Gidir ay dood ka keentay isla markaana bannaanbaxyo ka dhigtay magaalada Muqdisho.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON