Jeneraal Itoobiyaan ah ayaa maanta la wareegay taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, kadib muddo dheer oo Itoobiya ay ka meermeereysay inay xilkaasi qabato.
Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn oo in ka badan 30 sano ku jiray ciidamada ayaa qabtay xilka taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya xaflad ka dhacday xarunta xalane ee magaalada Muqdisho, waxaan goobjoog ka ahaa wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeiram ku xigeenkiisa iyo saraakiisha qeybaha AMISOM ee Soomaaliyaa.
Jeneraalka Itoobiyaanka ayaa xilkan kala wareegay Jeneral Jim Beesigye Owoyesigire, oo hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Itoobiya ayaa xiligii hore shuruudo adag ku xirtay inay qabato taliska AMISOM, waxaase hadda jira isbedel ku yimid hoggaanka Itoobiya iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ay heshiisyo wada galeen.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo shaki weyn lagaa muujiyey heshiisyo ay wada galeen madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliy iyo Eritrea.
