Thursday, March 28, 2024

Go’aan uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo khilaaf weyn dhaliyey

Madaxweynaha Mareykanka ayaa go’aan degdeg ah ku qatay in ciidamadii ka jooga dalka Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonaan sida ugu dhaqsiyaba badan.

Go’aanka Madaxweyne Donald Trump ayuu sabab uga dhigay inay laga adkaaday ururka Daacish, isla markaana aysan jirin sabab ay u sii joogaan dalka Suuriya, waxaana ka hor yimid mudanayaasha Mareykanka iyo dalalka saaxiibada la ah.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in kooxda khilaafada Islaamiga ee ISIS laga adkaaday, ciidamada dalkiisana ay dib ugu soo laaban doonaan, laakiin waxaa go’aankaasi lama filaanka ka hor yimid xubno ugu caansan xisbiga Jamhuuriga oo go’aankaasi ku tilmaamay mid qar iska tuunimo ah.

Ad

Ciidamada Mareykanka ee Suuriya ayaa gacanta ku hayey tababarka maleeshiyada kooxda Kurdiyiinta Suuriya, waxaana laag cabsi qabaa inay arrintaasi ka faa’iideysato dowladda Suuriya.

Ciidamada Mareykanka ee Suuriya ayaa ku sugan Waqooyiga iyo Bariga Suuriya, waxayna gaarayaan 2000 askari, waxaana dhulkaasi gacanta ku haya Kurdiyiinta Suuriya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON