Thursday, June 26, 2025

Go’aankii Baarlamaanka ka soo saari lahaa Kenya oo si qorsheysan dib loogu dhigay

Dib u dhac qorsheysan ayaa lagu sameeyay go’aankii la filayay  inuu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka qaado Derbiga  dowladda Kenya ka dhiseyso xududka Soomaaliya iyo sharci la doonayay in Baarlamaanku ka soo saaro inaan dowladda hadda jirta wax waanwaan ah ka geli karin arrimaha xuduudaha, loona aqoonsan doono ciddii ku dhaqaaqda inay Qiyaano Qaran ku kacday.

Qorshaha dib u dhigista ayaa ka danbeeyay markii la abaabulay in degmada Beledxaawo loo diro guddi ka kooban xukuumadda iyo Baarlamaanka oo arrinta u kuurgala xaalada Derbigana warbixin buuxda ka keena, arrintan oo ay gadaal ka riixeyso xukuumadda Soomaaliya.

Shirar kala duwan ayaa maalmihii ugu danbeeyay dhex marayay xukuumadda iyo guddoonka Baarlamaanka oo ku saabsan qaabka wax looga qabanayo arrinta derbiga Kenya iyo go’aanka baarlamaanka ka soo saarayo dalkaasi. Madaxda sare ee dowlada ayaa ka caga jiidaya in Baarlamaanku gaaro go’aan sii xumeynaya xiriirka labada dal.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON