Taliska Booliska Soomaaliya ayaa oo sheegay ayaa caawa soo saaray go’aano cusub oo ku saabsan Bandowga habeenkii saaran caasimadda Muqdisho.
Taliyaha BooliskaGen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) ayaa shaaciyey in Bandowga bilaaban doono maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan 07:00 Fiidnimo, iyadoo uu markii hore ahaa 08:00 Fiidnimo, waxaana la soo hor mariyeySaacad.
Waxaa la mamnuucay in Maqaayadaha iyo Baararka loo fariisto cunto gudaha ama bannaankooda, waxaan la ogol yahay in raashinka laga qaato oo kaliya.
Waxaa kaloo Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa caadiga ah lagu amray in qaadi karaan dad aan ka badneyn kala bar intii ay hore u qaadi jireen.