Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa booqan doona magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya bishan May gudaheeda sida uu shaaciyay guddoomiyaha Golaha ee bishan oo ah safiirka Dalka Masar u fadhiya Q/Midoobay Camr Aboulatta.
15-ka safiir ee Golaha ammaanka ayaa marka hore tegi doona magaalada Nairobi inta u dhaxeysa 17-21 bishan, waxayna kulamo kula yeelan doonaan halkaasi, waxay kaloo magaalada Qaahira kula kulmi doonaan Jaamacadda Carabta.
Golaha ammaanka ayaa tegi doonaa Soomaaliya ka hor inta aan la guda gelin doorashada sanadkan aakhirkiisa dhici doonta, safiirka Masar wuxuu sheegay in ujeedada socdaalka Golaha ammaanka ku tegayo Soomaaliya ay tahay inay taageeraan doorashooyinka oo dhici doona bisha August.
Bishii hore ayaa Golaha Ammaanka warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ku faaqiday kulan uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Goobjooge.com
Warar Xul ah