Tuesday, June 24, 2025

Golaha Ammaanka oo Dowladda Xasan Sheekh ku canaantay dib u dhaca Doorashada 2016

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qoraal ay kasoo saareen Doorashada Soomaaliya ku sheegay inay aad uga xun yihiin dib u dhaca ku yimid Doorashada Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuwa Baarlamaanka Sooamaaliya ay yihiin wax laga xumaado, waxayna dalbadeen in dhinacyada kala duwan si fuliyaan in doorashadu ku dhacdo waqtiga loo qabtay iyadoo aan dib u dhac lahayn.

 

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka oo ay wada qaateen 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ayaa maanta lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay doorasho hal qof hal cod ah inay ka dhacdo Soomaaliya wixii loo gaaro 2020.

Doorashada Soomaaliya oo loo qorsheeyay inay dhacdo Ogost iyo September ayaa dib loogu dhigay Oktoobar iyo November iyadoo weli laga cabsi qabo inay dib u sii dhacdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON