Monday, June 30, 2025

Golaha Ammaanka oo Go’aano ka soo saaray Xaaladda Soomaaliya [DAAWO / AKHRISO]

Kulan gaara oo Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay caawa ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayaa laga soo saaray go’aano ku saabsan xaaladda dalka.

Shirka waxaa warbixino ka jeediyay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika Francios Mediara, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar iyo Caasho Geelle Diiriye oo ka socotay guddi haweeka Soomaalida leeyihiin.

Qodobadda Golaha ammaanka ka soo saaray xaaladda Soomaaliya oo uu saxaafadda u akhriyay Guddoomiyaha Golaha e xilligan safiirka Swedem Olof Skoog waxaa ka mida:

  1. Cambaareyn kulul weerarkii maanta ka dhacay Kulbiyow iyo weerarkii Hotel Dayax ee Muqdisho iyo tacsi loo diray dadkii ku waxyeeloobay.
  2. Bogaadin loo jeediyay geedi socodka Doorashada Soomaaliya oo Bishan Febraayo 8-da la qaban doono doorashada madaxweynaha, iyagoo dalbaday inaysan dib u dhac danbe dhicin.
  3. Golaha Ammaanka wuxuu dowladda cusub ku booriyay inay la timaado shaqo kala horeysa oo ku saabsan sugidda ammaanka iyo dhismaha ciidamada qaranka.
  4. Wuxuu Golaha soo dhoweeyya kaalinta Haweenku ku yeesheen siyaasadda iyo qeybta ay ka heleen Baarlamaanka.
  5. Wuxuu Golaha walaac ka muujiyya xaaladda abaarta isagoo ku baaqay in gargaar loo fidiyo Soomaaliya.

DAAWO SAFIIRKA SWEDEN

DAAWO CAASHO GEELLE OO KA HADLEYSA GOLAHA AMMAANKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON