Golaha amaanka ee QM ayaa muddo kale u kordhiyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, iyadoo uu sii shaqeyn doono ilaa 31-ka March 2019.
Xubnaha Golaha amaanka ee Q/Midoobay ayaa si aan kala har lahayn u codeeyay xilli kordhinta Howlgalka UNSOM oo dowladda Soomaaliya ka taageera Nabadda, dowladnimada, iyo Nidaamka Dib u Hishiisiinta, waxaana qaraarka soo jeediyey Boqortooyadda UK.
Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay ayaa dib u xaqiijiyey inay lama taabtaan tahayMadaxbanaanidda Dhuleed iyo Siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya, wuxuna Qaraarka ku baaqay in laga hortago wax kasta oo xasiloobi darro ka Abuuri kara Soomaaliya.
Xafiiska UNSOM ayaa la aasaasay 3-dii Jun 2013 kii, waxaana lagu asaasay Qaraarka 2102, ujeedaduna waxay ahayd in uu Caawiyo Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya.