Saturday, July 5, 2025

Golaha Amniga Midowga Afrika oo Wafdi xaqiiqo raadin ah u soo diray magaalada Muqdisho [Sawirro]

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika oo ka kooban 15 xubnood ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Imaanshaha Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa qiimeyn ku samaynaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), sidoo kale geedi socod cusub oo lagu eegayo horumarka ay sameysay Xukuumada Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo weriyeyaasha kula hadlayay Gegidda Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Danjire Mohamed Idriss Farah, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya ahna Ergayga u qaabilsan Midowga Afrika, ayaa hogaaminayay wafdiga isagoo ah shirguddoonka xilligan ee Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada (PSC) waa hay’ad Midowga Afrika uu leeyahay oo u taaggan ka hortagga, maaraynta iyo xalinta khilaafaadka.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada (PSC) waxa uu ka koobanyahay 15 xubnood. Golaha Fulinta ee Ururka Midowga Afrika ayaa doorta dhammaan xubnaha, waxaana lagu ansixiyaa fadhiga Golaha ee xiga. Shan xubnood ayaa loo doortaa muddo seddex sano ah, halka tobanka xubnood kale loo cimaamado min labo sano, badanaa waxa ay howl bilaabaan maalinta koowaad ee bisha April kadib marka la doorto oo fadhiga guud ee Golahana lagu ansixiyo.

Image may contain: 4 people, people smiling, suit

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON