Saturday, August 23, 2025

Golaha Amniga oo yeelanaya Kulan looga doodayo Amniga Badda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa yeelanaya kulan dood furan ah oo looga hadlayo amniga badda Soomaaliya.

Waxaa kulankan warbixin ka jeedinaya Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya James Swan oo Golaha Amniga warbixin ka siin doonaa arrimaha amniga ee xeebaha Soomaaliya, sida lagu soo qoray barta Twitter-ka ee xafiiska Qaramada Midoobey ee qaabilsan nabadda iyo siyaasadda.

Dooda Golaha Amniga ee Amniga Badda Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya; xilli ay Muqdisho tagtay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu socdaal rasmi ah ku tago dalka Kenya, iyadoo lagu wado in heshiis laga gaaro arrimaha Ganacsiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON