Sunday, July 13, 2025

Golaha Aqalka Sare oo Laba Senator oo Haween u magacaabay xilal (Akhriso)

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii 5-aad ee Kalfadhiga 1-aad ayaa meel mariyay magacaabista hab-dhowraha Golaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa.

Fadhigii Aqalka Sare oo ay maanta soo xaadireen 39 Senator ayay xubnaha Goluhu ku ansixiyeen laba haween inay noqdaan Hab-dhowraha Aqalka Sare iyo ku-xigeenka hab-dhowraha, taasoo xilalkani haween loo magacaabay:

Xubnaha hab-dhowrka Aqalka sare ee la ansixiyey ayaa kala ah:

1- Senator Samsam Ibraahim Cali Hab-dhowraha Aqalka Sare.

2- Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax (Karaama) Hab-dhowre ku xigeen.

Senatoorada Aqalka Sare ayaa cod gacantaag ah ku ansixiyey magacaabidda labadan xubnood. waxaana Aqalka Sare u akhriyey wareegtada Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON