Golaha Badbaadada Hirshabeelle oo War kasoo saaray Dhismaha jidka isku xira Jowhar & Muqdisho

Gudiga Fulinta Golaha Badbaadaba Hirshabeelle, oo shir isugu yimid, uuna shir  gudoominayay Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa u mahad-naqay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,  iyo Amiirka Dalka Qatar Amiir Tamiim bin Xamad Aala Thaani.  Mahadnaqaas oo ku aadan dhagax dhiga waddada Isku xirta Jowhar  caasimada Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Muqdisho caasimada Soomaaliya. 

  1. Golaha Badbaadada Hirshabeelle,  wuxuu u mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirada, iyo Howladeenada kale ee ka miro dhaliyay in la bilaabo “Mashruuca Dhisida Waddada Jowhar-Muqdisho-Afgooye”
  2. Golahu,   wuxuu  sidoo kale u mahad-naqayaa  Dowlad Qatar ee walaalaha aynu nahay iyo Amiirkeeda; Amiir Tamiim Bin Xamad Aala Thaani oo maal gelinaya “Mashruuca Dhisida Waddada Jowhar-Muqdisho-Afgooye” 
  3.  Golahu wuxuu u arkaa Mashruucan in saameyn weyn oo dhaqaale uu ku yeelan doono  kumaanaan qoysaska beeralayda iyo xoolaleeyda ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamul Goboleedka Koofur Galbeed,  kaasoo ku xiri doona “Suuqa Caasimada Muqdisho.
  4. Golaha Badbaadada Hirashabeelle  sidoo kale isagoo dareensan  muhiimadda mashruucan wuxuu ka codsanayaa Dowladda Qatar iyo dalalka aan saaxiibada nahay in la sii balaariyo ilaa laga gaarsiiyo  Kismaayo  ilaa  Hargeysa, kaasoo noqon doono mashruuca Istiraatijiyadeed oo  Qaran, saldhigna  u noqon doona  Midnimada Soomaaliya iyo horumar dadka iyo Dalka. 

Dhamaad

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

121,092FansLike
801FollowersFollow
2,977FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!