Kulan ay maanta isugu yimaadeen xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dood dheer iyo muran kadib cod loogu qaaday dib u eegista xilka Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Kulanka oo ay hareeyeen doodo iyo Buuq ka dhashay qaabka wasiirka loola dhaqmayo kadib markii uu maanta imaan waayay Baarlamaanka hortiisa, isagoo dalbaday fasax saddex toddobaada ah ayaa tiro badan u codyeysay in dib u eegisl agu sameeyo xilka wasiir Xoosh.
Cod qarsoodi ah oo loo qaaday dib u eegista lagu sameynayo fasaxa Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh ayaa waxaa ogolaaday 85 Xildhibaan, halka ay dideen 77 xildhibaan, waxaana kadib la geli doonaa in codka kalsoonida loo qaado wasiirka haddii ay ku taliyaan Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo loo xilsaaray arrintiisa.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa arrinta Wasiirka dastuurka u xil saaray Guddiga joogtada Baarlamaanka si ay dib oo dib u eegis ugu sameeyaan xilka Wasiirka Dastuurka, iyadoo kadibna loo gudbin doono qaraarka baarlamaanka Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Golaha shacabka ayan awood u lahayn inay xil ka qaadis ku sameeyaan wasiir ka tirsan xukuumada, balse waxay ka gudbin karaan qaraar sida hore ugu dhacday wasiirkii Amniga dowladii hore, taasoo Ra’iisal wasaaraha uu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabadii ay la noqoto.
In ku dhow 40 Xildhibaan oo Golaha shacabka oo isugu jira wasiiro iyo xubno taageersanaa ayaa ku fashilmay inay hor istaagaan mooshinka iyo cod u qaadista kalsoonida Wasiir Xoosh, waxaana hadda la sugayaa go’aana uu qaadan doono Guddiga joogtada in fursad la siiyo Wasiirka si uuu hor yimaado Golaha iyo in dib u eegis xilkiisa oo cod kale loo qaado sida uu dhigayo qodobka 69-aad ee Dastuurka.
Wasiir Xoosh ayaa tooshka xildhibaanada isku jeediyay markii uu waxba kama jiraan ku tilmaamay qaraar Baarlamaanku ku diiday go’aan aya soo saartay Maxkamada Sare.
Goobjooge