Ra’iisal wasaaraha magacaaban ee xukuumadda Federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa hortegay xildhibananada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, isagoo khudbad codsi u ah u jeediyay.
Kulanka maanta oo ajendihiisu ahaa kalsooni siinta Ra’iisal wasaaraha cusub ayaa waxa furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe, waxaana hadalka la siiyey Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisal wasaaraha wuxuu ka hadlay taariikh nololeedkiisa iyo shaqooyinka uu soo qabtay, wuxuuna xildhibaannada ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan si uu xukuumad usoo dhiso, iyadoo hadda loo qaadayo codka kalsoonida.
Codkii loo qaaday Ra’iisal wasaraha ayaa si aqlabiyad leh waxaa lagu ansixiyey magacaabidiisa, iyadoo xildhibaannadii soo xaadiray oo ahaa 2020 xildhibaan ay dhammaantood codka kalsoonida siiyeen Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre.
Codka kalsoonida kadib waxaa la dhaariyey Ra’iisal wasaaraha cusub, iyadoo markaas kadib uu Khudbad mahadcelin ah uu Ra’iisal wasaare Xamza Cabid u jeediyey Baarlamaanka, isagoo ballan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumadda sida ugu dhaqsiyaha badan.