Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa soo xiray kalfadhiga 1aad, iyadoo kulankiisa 16aad maanta lagu ansixiyey xubno loo doortay Guddiga dib u eegista Dastuurka iyo Hab-dhowreyaal cusub.
Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 179 xildhibaan waxaa warbixin looga dhageystay Guddi ka kooban xildhibaanno oo xaqiiq raadin u tegay Gobolka Bokool, iyagoo sheegay in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro, Abaaro ba,an iyo dagaalka Ashabaab ku hayo.
Baarlamaanka ayaa ansixiyey labada Habdhowre ku-xigeen kuwaas oo kala ah Xildhibaan Sahra Cabdullahi Cigaal iyo Xildhbaan Cabaas Cali Ibrahim oo uu magacabaay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana codka kalsoonida siiyey 175 xildhibaan.
Dhinaca kale Xildhibaannadda ayaa iska doortay Guddiga korjoogteynta iyo dib u eegista Dastuurka Dalka, waxaana ku guuleystay Shanta xubnood ee kala ah:
1. Xildhibaan Xuseen Qasim Yusuf Iidow
2. Xildhibaan Maxamed Heyle Axmed
3. Xildhibaan Yuusuf Cali Xoosh
4. Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan Waliid
5. Xildhibaan. Cabdullahi Carab
Ugu dambeyn Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo xiray Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka isagoo sheegay inay Xildhibaanada fasax laba bilood ah galayaan, islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan.
