Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Galmudug uu dhowaan ku dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub Galmudug sida ay sheegayaan ilo ku sugan magaalada Cadaaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.
Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la sheegay inay gaari doonaan in ka badan 18 xubnood, iyadoo ay ka dhe muuqan doonaan Musharaxiintii xilka madaxweynaha Galmudug sida Axmed Macalin Fiqi, Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb C/llaahi Baarleex iyo Aasparo iyo xubno kale.
Dhinaca kale kooxda Ahlu Sunna ayaa golaha wasiirad ku yeelan doona ilaa 7 xubnood. Waxaa jira cabashooyin badan oo ku saabsan dhismaha golaha wasiirada iyadoo dib u dhac weyn ku yimid magacaabidda golaha fulinta maamulka Galmudug.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]