Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) uu dhowaan ku dhawaaqi doono xubnaha golihiisa wasiirada oo muddo dheer ku qaadatay inuu soo dhiso.
Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa buux dhaafiyay siyaasiyiin fara badan oo u sharxan inay wasiiro noqdaan, waxaana cadaadis weyn uu heystaa Axmed Madoobe oo ku wareersan qancinta beelaha kala duwan iyo awood qeybsiga degaanada Jubbooyinka.
Wasiiradii hore intooda badan ayaa la filayaa in aysan ka mid noqon Golaha wasiirada cusub marka laga reebo dhowr wasiir oo muhiim u ahaa halgankii Axmed Madobe, waxaana la hubaa inay dib u soo laaban doonaan Gen. Darwiish, Ibraahin Baajuun iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Macalin Maxamed. Waxaa kaloo ka mid noqon doona xubno cusub oo ay ka mid yihiin Maxamud Sayid Aaden, Aw-libaax iyo xubno kale.
Waqtiga u haray Axmed Madoobe ayaa is guraya, waxaana culeyska ugu weyni ka jiraa cidda la siinayo jagada madaxweyne ku xigeenka kaliya ee maamulku yeelanayo oo laba beelood dhex taalla, iyadoo markii hore uu maamulku lahaa labada madaxweyne ku xigeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]