Saturday, July 5, 2025

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyey Madaxweyne Waare

Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Waxaa shirka guddoomiyey Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, waxaana ka qeyb galay  Madaxweyne ku xigeenka Cali Xuseen Guudlawe iyo xubnaha Golaha Wasiirada, iyadoo looga hadlay aaladaha Amni ee Deeganada Hirshabeelle, ciidamada AMISOM ee ka baxaya degaanada Hirshabeelle iyo arrimo kale.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa beeniyay  in Ciidamaada ilaalada Madaxtooyada Hirshabeelle ay la wareegeen Xaruntii Baarlamaanka HirShabeelle, sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa dood kulul ka yeeshay mushaar ka maqan dhowr bilood, iyadoo madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare ku eedeeayay musuq.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON