Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shirkoodii toddobaadlaha ahaa ee maanta ku ansixiyay Guddiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo ka mida guddiyada uu tilmaamayo sharciga saxaafadda ee hore u dhaqan galay.
Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood, oo wasaaradda Warfaafinta ay soo xushay, kana kala yimid sida la sheegay:
- 3 xubnood oo ka socda warbaahinta dowladda
- 3 xubnood oo ka socda warbaahinta gaarka loo leeyahay
- 3xubnood oo ka socda ururada bulshada
Golaha wasiirada ayaa sidiisa u ansixiyay Guddigan oo wasaaradda warfaafinta ay soo gudbisay, waxaana dadka qaarkii is weydiinayaan qaabka uu guddi saxaafadeed uga dhismi karo xubno isla dadkii xirfadaasi ku jiray ka mid yihiin oo wasaarada warfaafinta ay soo magacawday??.
Guddiga Saxaafadda ayaa laga dhigaa dad madax bannaan oo aqoon u leh saxaafadda, kuwaas oo loo qoro qaab baafin ah oo khibradooda lagu qaado, waxayna noqdaan guddiyo ka madax bannaan saxaafadda markaas shaqeysa.
Goobjooge.com