Monday, June 23, 2025

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Weriye loo magacaabay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo loo magacaabay weriye ka tirsanaa saxaafadda oo bartay sharciga.

Kulankii Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Abuukaate Axmed Ciise uu yahay aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Wuxuu ahaa agaasimaha idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho, isagoo hore uga soo shaqeeyay idaacadii HonAfrik, iyadoo magacaabistiisa oo leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka mid ahaa kooxdii ololaha doorashada Xasan Sheekh.

Waxaa sidaasi xilka looga qaaday Hantidhowrihii hore Maxamed Cali Afgooye oo muddo dheer xilkaasi soo hayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON