Sunday, July 6, 2025

Golaha Wasiirada oo ansixiyey 5 xubnood oo lagu biiriyey maamulka sare ee Bankiga Dhexe. (Akhriso)

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo kulankoodii maanta ku ansixiyey shan xubnood oo lagu biiriyay Guddiga Sare ee maamula Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Xubnaha csub ee Guddiga Bankiga ka mid noqon doona waxay kala yihiin: Prof. Xuseen Warsame, Dr. Aweys Sheekh, Dr. Abdisamad N. Looyaan, Sakhaawadiin M. Mohamed iyo Cusmaan S. Gabeyre, kuwaasoo buuxiyay shuruudaha looga baahnaa mas’uuliyiinta ka mid noqonaya Guddiga Maamulka ee Bankiga Dhexe.

Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay siyaasadda Degaanka, heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada dalka iyo UNESCO iyo is afgarad dhex maray wasaaradda Ganacsiga dalka iyo wasaaradda maalgashiga dalka Masar.

FG: Waxaan  saxnay “heshiis dhex maray wasaaradda waxbarashada dalka iyo UNESCO” oo markii hore aan ku sheegtay siyaasadda waxbarashada dalka

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON