Shirkii toddobaadlaha ee Golaha wasiirrada ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), waxaana lagu asixiyay heshiiska cusub oo la sheegay inuu dhex maray dowladda federaalka Somalia iyo Shirkadda Favori ee gacanta ku heysa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Heshiiska ayaa la sheegay inay Golaha u soo gudbisay Wasaarada Duulista Hawada, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixiyey heshiiskaasi waxa uu yahay, balse la sheegay in dib u eegis lagu sameeyay heshiiskii dowladda Somalia iyo Shirkadda Favori dhex maray, taasoo ka mida shuruudaha lagu xiray deyn cafinta Somalia oo ah in dib loo eego heshiisyada dowladda iyo shirkadaha caalamiga ah.
Heshiiska dib u eegista lagu sameeyay ee cusub ooo 6 bilood laga soo shaqeeyay ayaa dhigaya in dowladda Somalia ay yeelato 60 boqolkiiba, marka laga reebo kharashaadka baxa oo u dhiganta 56 boqolkiiba dakhliga kasoo xarooda garoonka, waxayna shirkadda Favori lacag gaareysa 14 gelin doontaa dib u dhiska Garoonka, heshiiska ayaa lagu ansixiyey Cod aqlabiyad leh, sida uu shaaciyey wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda xukuumadda Soomaaliya
Golaha wasiirrada ayaa taageero u diray Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre oo deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.


