Wednesday, July 16, 2025

Golaha Wasiirada oo oo Shir u tegay Hotel ku dhex yaalla Garoonka Diyaaradaha Muqdisho (Sawirro)

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta isugu tegay Hotelka Decale ee ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona saddex maalmood ayaa lagu magacaabay “Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada” ayaa la sheegay in looga hadlayo dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Dhammaan xubnaha Golaha Wasiirada oo uu horkacayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka ka qeyb galaya, waana markii ugu horeysay ee Shirka Golaha Wasiirada lagu qabto Hotel, weliba hotelka ugu qaalisan Muqdisho oo Ajanbi leeyahay.

Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka dhex muuqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh oo aanay caddeyn sababta uu shirkaasi qeybta uga noqday.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON