Kulan degdeg ah oo xukuumad Goboleedka Puntland ay leeyihiin ayaa ka socda magaalada Garowe.
Kulankan waxaa guddoominaya Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana ku sugan inta badan Gollihiisa Wasiiradda oo la sheegay inay ka hadlayaan xaaladda colaad iyo dagaalkii Alshabaab ku qaaday saldhigga Af-urur ee Gobolka Bari oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan Daraawiishta Puntland.
Golaha wasiirada Puntland ayaa lagu wadaa inay go’aano adag kasoo saaraan weerarka ay Alshabaab ku qaaday degaanadooda oo ahaa kii ugu weynaa ee Puntland la kulanto marka laga reebo duulaankii dhinaca Badda.
Saraakiil iyo ciidamo badan ayaa la sheegay inay Alshabaab ku dileen weerarkii kediska ahaa ee ay ku qaadeen saldhigga Af-urur. Waxaana la sheegay in qasaaraha gaaray ciidamada Daraawiishta ay qasaare ka badan 50 dhimasho ah kasoo gaareen dagaalkii xalay.
Goobjooge