Golaha Wasiirada xukuumadda xilka sii heysa ayaa magacaabay maanta mas’uuliyiinta Hay’adda cusub ee Bartoolka Soomaaliya.
Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada xukuumadda ay kalsoonida kala noqdeen Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu shaaciyay in lagu ansixiyay magacaabidda Hay’adda Batroolka oo uu ka maqan yahay xubin loo qoondeeyay Dowlad Goboleedka Puntland.
Guddiga Maamulka Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa ka kooban 9 xubnood, waxaana 8-da xubnood ee la magacaabay ay kala yihiin:
1- Ibraahim Cali Xuseen – Gudddoomiye
2- Caa’isha Cusmaan Axmed- Guddoomiye k-xigeen
3- Ibraahim Ahmed Leyte – Xubin
4- C/qaadir Aadan Maxamuud
5- Ibraahim C/qaadir Maxamed
6- Axmed Xaaahi Cabdi
7- C/xafiid Cali Dirir
8- Mahad Maxamed Sheekh Xasan
9- Iyo xubin laga sugayo Puntland

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Ibraahim Cali Xuseen ayaa hore u ahaa La-taliye Sare oo la shaqeeya Wasaarada Badroolka iyo Macdanta Soomaaliya.