Monday, July 14, 2025

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Ansixiyay Xeer lagu Xayiri karo Lacagaha ka baxa Dowladda

Golaha Wasiirada oo maanta kulan gara ku yeeshay magaalada Muqdisho Soomaaliya ayaa ansixiyey Xeerka Xayiraadda lacagaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Xeerkan ayaa la sheegay inuu qayb ka qaadanayo barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta, waxaana kulanka lagu faahfaahiyey xeerkan iyo ujeedka laga leeyahay, taasoo lagu sheegay mid xoojineysa kalsoonida beesha caalamka ee nidaamka maaliyadda.

Shirka waxaa guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON