Friday, June 27, 2025

Goobtii lagu dooran lahaa Madaxweynaha oo la bedelay [Akhri sababta loo wareejiyay]

Wararka laga helayo Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in la bedelay goobta lagu qabanayo Doorashada Madaxweynaha.

Goobta ay ka dhici lahayd Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo wareejiyay xarunta Xalane ee ku dhex taalla Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii  musharrixiinta madaxweynaha ee mucaaradka ay cabasho ka geeyeen xarunta Xarunta Jeneraal Kaahiye ee taliska Booliska oo loo qorsheeyay in lagu qabto doorashada.

Dood muddo ka taagneyd xarunta Doorashada ayaa keentay in markii dambe la qaato go’aanka lagu bedelay xaruntii doorashada madaxweynaha, waxaana taageeray beesha caalamka.

Dooda musharixiinta ayaa ka danbeysay kadib markii taliyaha ciidamada Booliska Gen. Maxamed Sheekh uu si fagaare ah u taageeray Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON