Tuesday, June 24, 2025

Goormee dhaceysaa munaasabadda xil-wareejinta Xasan Sheekh & Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo..?

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Arbacdii 8-da bishan la doortay.

Guddi arrintan loo saaray ayaa wada diyaarinta xaflada iyo xil wareejinta oo Goobjooge.com ay ogaatay in Arbacadda loo qorsheeyay in la qabto, iyadoo lagu casuumay mas’uuliyiin madax caalami ah.

Guddigan oo uu hormuud u yahay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa wada qabanqaabada xafladda xil wareejinta, waxaana isla maalintaas lagu wadaa inuu Madaxwene Farmaajo u guuro Villa Somalia.

Farmaajo oo lagu dhaariyay isla fadhigii baarlamaanka ee lagu doortay ayaa hadda fariisin ka dhigtay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqidsho oo si kumeelgaar ah uu ugu shaqeeyo, kaasoo culeys weyn ku keentay Hotelka gaarka loo leeyahay.

Goobjooge.com

Maxaa keenay inuu Madaxweyne Farmaajo ku shaqeeyo Hotel kiro ah..? [Faaqidaad Dastuuri ah]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON