Monday, June 23, 2025

Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar (W/Q: Yusuf Garad)

Waxaan maanta fursad u helay in aan soo arko gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho.  Waxay ka dambeysay Laanqeyrta Case ee Caalamiga ah ICRC iyo weriyayaal maanta loo furay irdaha xabsiga. Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer.

Waxaan ku soo wareegnay qolal ay maxaabbiistu is kor tuban yihiin. Waxaan tagnay qeyb loo yaqaan qamta oo qolalku ay ka yaryar yihiin qeybaha kale. Qeyb kale waa Piemonte iyo qeybta haweenka. Piemonte waa Gobolka caasimaddiisu ay tahay Torino ee dalka Talyaaniga. Ma aqaan sababta magacaas loo siiyay.

Waxaa xabsiga ku jira dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 1200 oo maxbuus oo isugu jira dad ay Maxkamadi xukuntay iyo dad aan weli la soo taagin maxkamad.

Ad

Dadka xukuman waxaa ka mid ah qaar dil ku xukuman.

Qaarkood way ka qeylinayeen codkoodana si sax ah looma kala saari karin, laakiin waxaan maqlayay mid ku qeylinaya shan bilood ayaan xirnaa iyo mid leh saddex sano ayaan xiran ahay ee maxaan bi’iyay?

Maxaabbiista aan maanta soo arkay waxay isugu jiraan haween, carruur aan qaan gaar ahayn iyo rag u badan dhallinyaro. Carruurta iyo dadka waaweyni ma kala soocna.

- Advertisement -

Xabsiga waxaa loogu tala galay ugu badnaan 400 oo Maxbuus. Laakiin hadda waxaa ku jira saddex-laab tiradaas. Meeshii loogu talo galay in hal qof lagu xiro, waxaa ku jira 4 ruux. Sidaa darteed waxaa aad ugu adag jiifka oo aanay haysan dhul ugu filan in qof waliba uu dhabanka dhigo. Sidaa darteed waxay iska sugaan hurdada oo marba in ayaa seexata inta kalena way taagtaagan yihiin oo waxay kuwa hurda ka sugayaan meeshii ay dhinaca dhigi l;ahaayeen. Waxaan soo xusuustay xabsiga Kigali oo aan booqday 1995 gumaadkii dalka Rwanda ka dhacay bilo yar ka dib. Xaaladda Xabsiyada Rwanda waxay berigaas ahaayeen kuwo caalamka oo dhami uu ka hadlay.

Xabsiga Xamar

Waa Dhexe ee Muqdisho, waa xabsi uu dhistay gumeyste.  Waa meel aan dhir badan lahayn. Qorraxdu ay aad u kulushahay. Qolalka ay maxaabbiistu ku xiran yihiin oo iska soo horjeedana inta u dhexeysaa ay tahay sibir. Deyraddu dusha ayay ka bannaan tahay oo qorraxda sibirka ku dhacda ayaa dib kuugu soo laabaneysa oo saameyneysa neeftaada. Waa xataa haddii aad dibadda taagan tahay.

Bannaanka ayaan joogi kari la’ayn kuleyl dartiis. Qaar badan oo naga mid ah shaararka ayaa ku qoyay dhidid awgiis. Ma qiyaasi karo inta uu le’eg yahay kuleylka haya 40 ruux oo ku jira qol loogu talo galay 10 ruux.  Hawada keliya ee ay haystaan waa midda ka soo dhex dusta biraha isu dhow dhow ee sida ulo u teedsan ee ay ka sameysan yihiin dariishadda iyo albaabka oo quful weyni saaran yahay.

- Advertisement -

Waxaan booqannay jikada iyo qeybta caafimaadka xabsiga.

Waxa aan la yaabay arrin uu Xeer Ilaaliyuhu ii sheegay. Waa in ay jiraan dad uu waalidkood soo xiray. Taas oo waafaqsan, ayuu yiri, sharciga dalka. Waxaan qiyaasay in waalidkaasi uu yahay mid aan ka warqabin xaaladda xabsigu uu ku sugan yahay. Marka labaadna ma garanayo sababta uu sharcigu u fasaxayo in qof qaangaar ah xabsi la dhigo damaca waalidkiis awgii.

Rajo

Markii uu dhex wareegga xabsigu noo dhammaaday, waxaan Xafiiskiisa ugu tegey Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac. Inkasta oo uu qiran yahay dhibaatada xabsiga ka jirta haddana wuxuu ii sheegay waxyaabo dhowr ah oo uu rajo ka qabo.

Wuxuu ii sheegay in sariiro is dul saaran ay u soo socdaan Xabsiga, kuwaas oo suurta gelin doono jiif sidaan ka wanaagsan. Sariiruhu maaddaama ay is dul saran yihiin waxaa rajo laga qabaa in ay soo haraan qolal bannaan oo waxbarashada maxaabbiista loo adeegsan doono. Bisha Febraayo ee sannadka 2016 ayaa noo asteysan, ayuu yiri.

Waxaa la hirgeliyay biyo gelin musqulaha.

Qeybta Piemonte waa la dayactiray oo anigaaba indhahayga ku soo arkay. Waxaan arkay qeyb kale oo la dhisay oo loogu talo galay in tababbar xirfadeed lagu siiyo maxaabbiista. Waxaan arkay baabuurta shabaqlaha ah ee maxaabbiista lagu qaado oo laba ah oo la diyaariyay maaddaama dhibka Maxkamadda daaheysa ay qeyb ahaan u sabab tahay in aan la hayn gaadiid ku habboon in Maxbuuska lagu geeyo Maxkamad. Waxaa kale oo la i tusay xafiis Xabsiga ku dhex yaalla oo Maxkamad ahaan loo adeegsado mararka qaar.

Mashaariicdaas oo isugu jira qaar la fuliyay iyo qaar soo socda, waxaa ku deeqay ganacsato iyo hey’ado samafal oo Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo i dhiirri geliyay in dhowr ka mid ah maxaabbiista loo oggolaaday in Madaxweynaha ICRC, Peter Maurer, ay keligood la kulmaan maanta iyada oo aan askari iyo cid kale la joogin.

Waxaan jecleystay sida Maxaabbiista codsigooda loo tixgelinayay maanta, haddaysan ahayn show xilligaas ku eg. Maxaabbiistu waxay ku qeyliyeen war naga daaya kaamerada, markii ay weriyayaashii  damceen in ay sawirtaan video-na ay ka duubaan maxaabbiista. Markiiba saraakiisha ciidanka oo uu Taliyuhu ka mid ahaa ayaa iyaguna ku dhawaaqay war ka daaya.yusuf-garaad

Waxaan u mahadcelinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta, Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, oo mar aan usbuucan horraantiisii kala hadlay ra’yi aniga igu dh
ashay oo Maxaabbiista waxtari kara, igu martiqaaday booqashada Xabsiga, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud, Axmed Cali Daahir, oo si wanaagsan ii soo dhoweeyay xog bandanna i siiyay. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha kale ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 

Yusuf Garaad

http://yusuf-garaad.blogspot.com/

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON