Wednesday, July 9, 2025

Guddi Baarlamaan oo Madaxweyne Deni ka dalbaday inuu Heshiiskii Dekada Boosaaso hor geeyo Golaha.

Guddi ka tirsan Baarlamanka Puntland oo loo xil saaray kasoo talo-bixinta Xaaladda Puntalnd iyo ururinta tallooyinkii guddiyada Golaha wakiilada ayaa warbixintooda ka horjeediyey Golahaasi.

Guddigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa usoo jeediyay in xukuumadda ay Golaha wakiilada hor keento dhammaan heshiisyada cusub ee ay soo gashay, iyo heshiisyadii hore u socday ee lala gashay CCECC iyo DP World ee maamula dekadda Boosaaso, si daba-gal loogu sameeyo waxa ka qabsoomay hesiisyadaasi iyo nidaamka loo fuliyay.

Warbixinta guddiga ayaa waxaa ka mid ahaa tallooyin qodobeysan oo ku socda xukuumadda Puntland ee madaxweyne Siciid Deni, kuwaasoo ku saabsan wada-shaqeynta iyo kala qeexidda shaqooyinka hay’adaha dowladda, daah-furnaanta habka fulinta mashaariicda, hufnaanta  hannaanka Garsoorka, kobcinta Dhaqaalaha, Kordhinta mushaharaadka, hirgelinta shuruucda iyo xeerarka, adkaynta amniga iyo difaaca Puntland, horumarinta arrimaha bulshada iyo sidoo kale adeegyada aas’aasiga ah.

Waxay kaloo Xukuumadda Puntland ka dalbadeen inay Baarlamanka u kordhiso mushahaaraadka iyo gunnooyinka, una  dhisto xarun casri ah, si ay noloshooda wax uga beddelaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON