Monday, July 14, 2025

Xaaf oo sanad kadib Muqdisho yimid & Kulan uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo. [Qodob lagu qancinayo]

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib muddo sanad ah oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyay madaxda dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xaaf waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya, iyadoo kadibna la geeyay Villa Somalia halkaasoo uu kulan kula yeesahy Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf ayaan la shaacin arrimihii looga hadlay, waxayna wararku sheegayaan in madaxda dowladda Somalia ay ku qancinayaan Xaaf inuu isaga haro doorashada soo socota ee maamulka Galmudug.

Raiisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hore kulamo gaara ula yeeshay madaxweyne Xaaf, iyadoo heshiis 5 qodob ka kooban ay ku gaareen magaalada Cadaado.

DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON