Wednesday, June 25, 2025

Guddi loo magacaabay dagaalkii dhex maray AMISOM iyo NISA [Kulan dhex maray Madaxda Somalia iyo AMISOM]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shilkii dhex maray ciidamada AMISOM iyo kuwa NISA ee lagu dilay saddex ka mida askarta Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Xukuumadda  Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shaaciyey inay Guddi ay u saareen Baaritaanka dhacdadii Ciidamada AMISOM ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugiddakuna dhaaweceen shacab ah.

Arrintan  ayaa ka dambeysay kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiiru Dowlaha Amniga, Taliyaha Hay’adda NISA iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera oo ay wehliyaan Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM si xal looga gaaro arrintan.

Wasiirka ayaa  sheegay in baaritaankaasi uu noqon doono mid hufan, isagoo dhanka kale ka tacsiyadeeyey geerida Askarigii NISA. Dhanka kale Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka xun yahay falkii dhacay,isagoo intaasi ku daray inuusan marnaba soo laaban doonin falkaasi.

Danjire Francisco Madera ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada baaritaanka lagu sameynayo sida ay u dhacday arrintaasi,si loo ogaado xaqiiqda jirta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON