Thursday, July 10, 2025

Guddi soo baara Dagaalkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe oo la magacaabay (Akhriso)

Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay Guddi soo baara Dagaalkii shalay 10-ka Ogost 2020 ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Guddiga loo macgaabay inay dhacdadan aan hore loo arag soo baaraan ayaa kala ah:

1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ – Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye

2- Dr. Sulaymaan Max’ed Maxamud -​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin

3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​ – Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin

4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin

5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey -​Xeer-ilaaliyaha Guud eeMaxkamadda Ciidamada​ Xubin

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​

Guddiga ayaa la faray inay si degdeg u howlgalaan, kana keenaan gun-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan., iyagoo si joogta ula socod-siinaya warbixintooda Sii-haya xilka Ra’iisul Wasaaraha, howshana baaristana lagu soo gabgabeegyo (10) casho.

Guddiga waxaa ka mida Taliyaha ciidamada Asluubta oo ahaa hay’adda la baari lahaa. taasoo muujineysa inuu la mid noqon doono Guddiyo hore oo aanay waxba kasoo bixin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON