Thursday, May 2, 2024

Maxaa Muqdisho ku qabsaday Ganacsatadii Qaadka Kenya ee dooneysay fasaxa Qaadka..?

Ganactada Qaadka Kenya ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay joojinta Qaadkii ay geyn jireen Soomaaliya markii lasii kordhiyey xayiraadda saaran iyaoo la filayey inay dowladda Soomaaliya ka qaado xariyraadda.

Waxaa Muqdisho fara marnaan ala laabtay wafdi ka socday Ganacsatada Qaadka Kenya oo kulamo la yeesahy Wasiiro ak tirsan xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya, iyadoo kala hadlay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa Qaadka ka yimaada Kenya oo markii hore loo xiray faafitaanka cudurka Coronavirus awgiis.

Si uu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya waxaa fashilmay safarkii ganactada Qaadka Kenya ee Muqdisho., iyadoo dowladda Soomaaliya ay Qaadka Miraa ka reebtay in laga soo dajiyo Garoomada Soomaaliya markii duulimaadyada caalamiga ay dib u bilaabeen 3-dii Ogosto 2020.

Ad

Wafdigii ganacsatada Qaadka Kenya ee booqday Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku wargelisay in joojinta Qaadka ay sabab u tahay tallaabada dowladda Kenya ku xayirtay badeecadaha laga qaado Soomaaliya iyo rakaabta taga dalka Kenya.

Gudoomiyaha ganacsatada Qaadka Miraa ee Kenya Maua Mohamed Qureshi ayaa yiri: “Madaxweyne Farmaajo wuu diiday codsigeenna ah in aan dib u bilowno ganacsiga Qaadka. Waan la soconnaa in go’aanka uusan ahayn mid sabab u ah Covid-19 laakiin sababtuna tahay mowqifka adag ee Kenya ay ka qaadatay alaabta ka timaada Soomaaliya, sida Bariiska, Sonkor iyo Kalluun badan..” 

Dowladda Kenya ayaa cadaadis uga imaanaya Ganacsatada Qaadka dalkaasi oo dooneysa inay dowladda Soomaaliya kala hadasho arrinta Qaadka si xal looga gaaro dhibaatada heysata.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON