Friday, September 5, 2025

Guddiga Amniga Baarlamaanka oo u yeeray Wasiirka Amiga & Taliyeyasha Ciidamada [Maxaa dhex maray?]

Guddiga  Guddaha iyo Amniga Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray oo kulan la yeeshay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyasha ciidamada Qalabka sida.

Kulanka labada dhinac ayaa su’aalo lagu weydiiyey Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada, iyadoo wax laga weydiiyay xaaladda Amniga magaalada iyo dilal badan oo ku soo kordhay caasimadda iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Waxaa Guddiga warbixin siiyey Wasiirka Amniga Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey xaalaga Amniga ee Muqdisho. Wasiirka Amniga ayaa xubnaha guddiga amniga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u sheegay in ay jiraan guulo badan oo laga gaaray dhinaca nabadgeliyada.

Guddiga ayaa si weyn Wasaradda Amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada ugu canaantay inaan laga hortegin dilalka ku soo batay caasimadda oo bishan ramadaan si weyn u kordhay, iyadoo xukuumadda ay ciidamo badan u diyaarisay sugidda amniga bishan Ramadaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON