Monday, July 14, 2025

Guddiga Amniga ee Baarlamaanka oo Su’aalo weydiiyey Wasiirka Amniga & Agaasimaha NISA [Sawirro]

Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kullan su’aalo weydiin ah oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo xaaladda amniga la yeeshay  Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonkaee NISA Xuseen Cusmaan Xuseen.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 29/July/2018, ay Guddigooda la kulmeen Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha NISA ayna wax ka weydiiyeen arrimaha Amniga iyo xaaladda isbedellad ah ee jira, iyadoo wax badan ay ka weydiiyeen, wuxuuna intaas ku daray in kullanka maanta uu ahaaa ujeedadiisa ugu weyn in amniga laga wada hadlo iyo arrimaha quseeyo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa isbedello waaweyn ku sameysay ciidamada  qaabilsan amniga magaalada. waxaana la kala bedelay ciidamadii xasilinta iyo kuwa NISA ee G/Banaadir iyadoo ciidamo badan lagu wareejiyay Booliska, lana magacaabay taliye  cusub ee Booliska G/Banaadir uu yealanayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON