Guddiga Amniga Qaranka oo oo guddoomiyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa soo saaray amarro cusub oo ku saabsan Amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.
Madaxweyne ayaa la sheegay inuu isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin badan oo ka yimid shacabka caasimadda, waxaan warbaahinta dowladda ay sheegtay inay kulanka laga soo saaray qodobo ay ka mid yihiin:.
1- Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka wuxuu Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-mukarrama, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasilinta nabadgelyada caasimadda.
2- Guddigu Amniga Qaranka waxay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka GObolka Banaadir inay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, maadaama ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.
3- Guddigu Amniga Qaranka wuxuu isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadaan qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.
Lama oga inay dhaqan gelayaan amarradan iyadoo la wada ogyahay in Amar oo hore u soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo ahaa in dib loo furo Wadooyinka uu socon waayey.