Guddiga dabagalka Musuqmaasuqa ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland oo kormeer ku tegay Magalada Berbera ayaa Maanta booqday Keydka Haamaha shidaalka ee Dekadda Berbera.
Guddiga ayaa waxaa hogagaminayay xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo ka mida Guddiga ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu saami ku leeyahay Shirkada laga kireeyey Keydka Haamaha shidaalka Dekada Berbera oo loo yaqaan Berbera Oil Group.
“Waxaan soo ogaanay in shirkadda SOM OIL uu saami ku leeyahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ah ninka dagaalka nagu haya oo halkan lacago ka qaata, waana inaan ogaannaa dadka saamiyadda leh…” ayuu yiri Naasir Xaaji Cali oo ku baaqay in arrintaasi tallaabo laga qaado.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii xilka loo magacaabay shaaciyey inuu ka baxay shirkadda, kana saaray saamigii uu ku lahaa, iyadoo aan la ogeyn sida arrintaasi ku dhacday .