Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo u gaara oo ku saabsan dib u eegista Dastuurka, kuwaasoo looga horjeedo seminaaro ay wado Wasaaradda Dastuurka.
Kullan maanta ka dhacay xafiiska Guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhex maray Dalladda Ururada Bulshada rayidka ee SOCENSA-Koonfurta Soomaaliya PUNSAA-Puntland, waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiyeyaasha labadaas dalladood Diini Axmed Diini iyo Feysal Axmed Warsame.
Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland Feysal Axmed Warsame ayaa kulanka ka sheegay inay muhiim tahay in la-tashi lala sameeyo Bulshada Soomaaliyeed oo ay qeyb ku yeeshaan geedi socodka Dastuurka KMG ah.
Diini Maxamed Diini, Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka (SOCENSA) ayaa caddeeyay in in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay bixinta Dhaqaalaha ku baxaya dastuurka ee aan la sugin dhaqaale shisheeye.
Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa Ururada Bulshada rayidka uga warbixiyay halka ay marayaan howlaha dastuurka,isagoona sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan in howlaha dib u eegista dastuurka dhameystirmaan sanadka 2018-ka.
Guddiga Dib u eegista Dastuurka iyo Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka ayaa bilaabay la-tashiyo ku saabsan Dastuurka.