Monday, June 23, 2025

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Guddi u magacaabay Falkii ka dhacay Guriga Cabdi Qeybdiid [Akhriso]

udiga Difaaca ee Golaha Shacabka oo maanta shir ku yeeshay Magaaladda Muqdisho ayaa kad ooday weerarkii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Qeybdiid iyo arinta ku saabsan Derbiga la sheegay in Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xuduuda Somalia iyo Kenya.

Guddiga ayaa aad walaac uga muujiyay arinta Derbiga Kenya, waxayna soo jeediyeen loo saari doono Guddi xaqiiqo raadin ah oo soo uruuriya xogta rasmiga ah ee arintaasi. Sidoo kale Guddiga ayaa inta kulankiisa uu socday cambaareeyay weerarkii 30-kii bishan lagu qaaday Guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale ”Qeybdiid” oo ah mudane ka tirsan Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka.

Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in Guddiga Difaaca uu si aad ah uga dooday weerarkii shalay lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo walaaca ka taagan darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xadka Beledxaawo iyo Kenya.

Ad

Guddiga ayaa Magacaabay Shan Xubnood oo ay iska soo xuleen kuwaasi oo baaritaano ku sameynaya sababta ka dambeysay weerarka Hoyga Sanoter Cabdi Qeybdiid iyo cida weerartay intaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON