Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Guddiga Dastuurka Maamulka Jubbaland uu aqbalay labadii qodob ee ay wateen Wakiilada Beesha Caalamka ee maanta tegay magaalada Kismaayo.
Kulan dhex maray Wakiilada Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayey Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddiga Doorashada ayey Guddigu ku ogolaadeen in dib loo furo Diiwaangalinta Musharaaxiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo in dib lo dhigo xilliga Doorashada Jubbaland si Musharaxiinta mucaaradka waqti loo siiyo.
Qodobka ku saabsan wax ka bedelka shuruudaha Musharixiinta iyo Cidda qabaneysa Doorashada ayaa weli taagan oo aysan ogolaan Guddiga iyo Axmed Madoobe, iyadoo dadaalka beesha caalamka uu qeyb ahaan hirgalay, laakiin lama oga inay aqbali doonaan musharixiinta isbedel doonka iyo taageerayaashooda,.
Dadaaladii ugu danbeeyay ee Beesha Caalamka ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo si looga baaqsado khilaaf iyo maamullo kala duwan oo Jubbaland yeelato.