Sunday, July 6, 2025

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hishabeelle oo bilaabay qabashada araajiyada Musharixiinta

Guddiga Doorashada madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa bilaabay qabashada araajida musharaxa u taagan xilkaasi.

Guddigan oo shalay la magcaaabay ayaa  sheegay inay bilaabeen qabashada codsiyada musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle u tartamaya, iyadoo si degdeg loo guda geli doono doorashada.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheekh Abuukar Xasan Cali (Maqaney) ayaa sheegay in guddigu bilaabay shaqadiisa, sida ugu dhaqsiyaha badanna ay u qabanayaan doorashada, iyadoo waqtiga haray laga faa’iideysanayo.

Musharixiinta xilkan u tartami kara ayaa ka imaanaya oo kaliya beesha Xawaadle, waxaana soo baxay musharixiin fara badan oo ay kala wataan dowladda Federaalka siyaasiyiin kala duwan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON