Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer Federaalk ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku soo dhoweeyay doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacay Galmudug.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA
WAR SAXAAFADEED – 16 OKTOOBER 2016
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa una hanbalyeynayaa Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ku guuleystay in uu soo doorto siddeedii xubnood ee u matalayey Aqalka Saree ee barlamaanka.
Guddigu waxa uu ku ammaanayaa Galmudug sida uu u soo buuxiyey qoonddadii haweenka ee Aqalka Sare iyadoo siddeedda xubnood ay labo ka mid ah ay yihiin haween.
Guddigu waxaa uu ugu baaqayaa Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan xubnihii u matalayey Aqalka Sare.
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu ka codsanayaa Dowlad Gobaleedka Jubbaland in uu soo buuxiyo shuruudaha magacaabista Aqalka Sare inta aan laqaban doorashada Aqalka Sare.
Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in ilaa iyo hadda hannanka doorashada 2016 si habsami ah uu dalka oo dhan uga socdo.