Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanak Soomaaliya ayaa ku gacan seyray eedeyn uga timid 16 musharax oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali oo ka mida guddiga Doorashada ayaa sheegay in Guddiga uu awood leeyahay inuu joojiyo Doodwadaagii musharixiinta, isla markaana uu Baarlamaanka ugu xil saaran yahay arrimaha Doorashada.
Wuxuu intaas ku daray in arrintii maanta dhacday ay ahayd mid farsamo oo ka timid cilad internetka ku timid, isla markaana uu jiro jadwal u degsan doorashada madaxweynaha oo sidaasi ay meesha uga baxday, dooduna ay ahayd arrin cusub lagana gudbay.

Eedeynaha ay soo jeediyeen musharixiinta madaxweynaha ayuu sheegay inay kala hadlayaan musharaxiinta wixii tallaabo ahna ay qaadi doonaan, laakiin Guddigooda uu yahay guddi madax bannaan.
16 Musharax ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashada inaysan dhexdhexaad ahayn, waxayna dacwad ka qoreen mid kamida xubnaha Guddiga oo si buuxda u taageeray dib u doorsahada Xasan Sheekh.
Goobjooge.com