Wararka laga helayo shirka Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho
ayaa sheegaya in Guddiga doorashad dadban ee Madashu dhistay uu codsaday in la siiyo muddo dhowr bilood ah si ay u soo diyaariyaan doorashada.
Guddiga ayaa codsigiisa hordhigay Madasha oo shirkoodii Shalay warbixin uga dhageystay xubnaha Guddiga oo shirka ka qeyb galay, waxaana warbixintooda ka mid ahaa in ilaa 3 bilood ay u baahan yihiin Guddigu, taasoo ay go’aan ka gaari doonaan Madaxda Madasha.
Arrimaha kale ee madasha horyaala ayaa waxaa kamida inay jadwal u sameeyaan qaabka doorashadu u dhaceyso, iyadoo waqti loogu daro dowladda hadda jirta ay ka dhalaneyso dood sharciyeed oo ku saabsan cidda xilka sii heyneysa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sharciyan xilka ka degaya 10 September 2016, waxaana dad badan ay qabaan in madaxweyne KMG ah loo baahan yahay, kaasoo noqonaya guddoomiyaha Baarlamaanka.
Goobjooge.com