Guddiga Doorashooyinka dadban ayaa mar labaad laalay natiijadii kasoo baxday kursiga Beesha Doqondiid ee Gaaljecel oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo.
Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa lagu diiday Doorashadii uu ku soo baxay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir oo noqon lahaa Xildhibaankii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabka.
Guddiga ayaa Amray in lagu laabto Doorashadaas islamarkaana laga doonayo Guddiga Doorashada Ee Jubbaland in Doorashadaas ay u dhacdo si Caddaalad ah isla markaana la qabto inta aysan dhicin Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
[pdf-embedder url=”https://goobjooge.net/wp-content/uploads/2017/02/Kursiga-Doqon-Diide-ee-Gaaljecel.pdf”]
Qoraalka oo dhan halkan ka akhriso
Goobjooge.com