Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku casuumay saddex hay’adood inay goobjoog ka noqdaan doorashada guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Guddiga Nuur Iidow Beyle ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay inay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka ku casuumeen: Guddoonka Aqalka Sare, Guddiga Doorashooyinkaa Qaran iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya inay goobjoog ka noqdaan doorashada golaha shacabka.
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhici doonta 30-ka bishan April oo ku beegan Isniinta, iyadoo ay ku loolamayaan 11 musharax oo u taagan xilkani, iyadoo ay tahay doorashadii ugu adkeyd ee xilkan loo galo.