Sunday, July 13, 2025

Guddiga Doorashada oo Shahaado gudoonsiiyey xildhibaan kusoo baxay Doorasho aan lagula tartamin

Guddiga doorashada aya shahaadada xildhibaanimo magaalada Muqdisho ku guddoonsiiyey xildhibaan dhowaan lagu doortay magaalada Baydhaba.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Maxamed oo ku soo baxay doorasho aan lagula tartamin oo muran badan hareeyay 28-kii Janaayo ayaa maanta xarunta Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiyey shahaadada xildhibaannimo.

Xildhibaankan ayaa keligiis kasoo xaadiray madashii doorashada ee Baydhaba ka dhacday, waxaana beesha uu kasoo jeedo ay isku khilaaftay soo xulista ergada wax dooraneysa, iyadoo Guddiga Doorashada uu ku adkeystay inuu qabto doorasho aan musharaxan cidna kula tartamin, wuxuuna hadda ka mid noqday xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Doorashadan ayaa hore u qabtay doorashada 6 kursi oo ka banaanaa golaha shacabka, iyadoo aan midkoodna tartan weyn ka dhicin.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON