Monday, July 14, 2025

Guddiga Doorashada oo sheegay Sababta ay uga guurayaan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia..

Guddiga Doorashada madax bannaan ayaa dadaal ugu jira inuu ka guuro xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ee uu deganaa tan iyo intiii la dhisay, kadib eedo uga yimid xisbiyada dalka iyo cadaadis kasoo wajahay maamulka Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay xarunta Guddiga laga raro Villa Somalia, iyadoo sheegtay in xaruntooda ay hadda ku shaqeeyaan aysan tegi karin xisbiyada ay shaqada kala dhaxeyso ayna muddo dheer caqabadan heysatay.

“Horta Caqabada noogu weyn waxaa waaye xarun aan ku shaqeysano ma heysano, waa caqabada noogu weyn oo maanta na heysataa, dhibaatana ku ah sidii annaga iyo Xisbiyadii iyo bulshadii inteeda kale aan isku arki leheyn meel nabad ah oo aan sahlaneyn gaaristeeda ayaan deganahay” ayey tiri Gudoomiyaha guddiya Xaliimo yarey oo hortagtay Aqalka Sare.

Qaar ka mida xisbiyada sida KMG ah loo diiwaangeliyay ayaa hore ugu eedeeyay Guddigan inay degan yihiin madaxtooyada Soomaaliya oo ay tahay inay tagaan meel dhexdhexaad ah.

Guddiga aya hoggaamiso Xaliima Yarey ayaa sanadklii 2016-2017 laga joojiyey inuu qabto doorashadii xildhibaannada iyo tii madaxda dalka iyadoo guddi kale oo KMG ah ay magacaabeen madaxdii dowladda iyo maamul Goboleedyada dalka ee xilligaasi, iyadoo taasi sabab looga dhigay in guddigan uu qaabilsan yahay doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaana hadda muuqata in howsha guddigan ay ka horjeedaan maamul Goboleedyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON